Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon oo ku sugan dalka Turkiga ayaa la kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan dawladda dalkaasi, gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga.
Weli ma jiro war rasmi ah oo laga soo saaray kulanka Faratoon uu la yeeshay Mas’uuliyiinta Turkida ah, balse waxaa xusid mudan in Somaliland ay dhawaan Wakiil cusub u magacowday dalkaasi.
Sidoo kale, Turkiga ayaa horey qayb uga ahaa Wada-hadallada Somaliland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, wallow la sheegay in aanu hadda qayb ka ahayn wada-hadallada socda.