Madaxweyne Farmaajo iyo Hoggaamiyeyaal kale oo ka qeyb galaya Shir ka furmaya Qaahira

Caasimadda dalka Masar ee Qaahira waxa maanta ka furmi doonaa 2 Shirweyne oo Degdeg ah oo ay Hoggaamiyayaasha dalalka Afrika kaga wada xaajoon doonaan Xiisadaha haatan ka aloosan dalalka Sudan iyo Libiya.

Madaxweynaha dalka Masar, ahna Guddoomiyaha sannaadkan ee Ururka Midowga Afrika, C/fataax Al-sisi ayaa guddoominayo Shirweynahaasi oo ay Madaxda Afrika ku lafa-guri doonaan Aragti Mideysan oo wax looga qaban karo Xaalladaha Suudaan iyo Liibiya, iyadoo la og yahay inay Quwado shisheeye faragelin ku hayaan Arrimaha Gudaha ee dalalkaasi.

Madaxda Afrikaanka ee ka qeyb galay shirweynahaasi waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Ururka Midowga Afrika ee AU-da iyo Madaxweynayaasha dalalka Somalia, Jabuuti, South Africa, Chad, Rwanda, Kongo iyo Saraakiil kale oo ka kala socda dalalka Kenya, Ethiopiam Uganda, Nigeria iyo South Sudan.

Ilo Diplomaasi ayaa sheegay in Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed oo haya Xilka Guddoonka urur-gobaleedka IGAD ayaa ka baaqday Shirka Qaahira, waxaana uu soo diray wafdi uu hoggaaminayo Ku-xigenkiisa, Demeke Makonen.

Ethiopia iyo Masar ayaa waxaa ka dhexeeya Khilaaf dhanka Biyaha ee Webiga Niil, iyadoo  Dowladda Masar cabasho xooggan ka muujisay saaamiga biyaha ee ay ka helaan Webiga Niil, iyadoo  ay Dowladda Ethiopia biyo-xireen weyn ka dhisatay qulqulka Biyaha Webiga Niil.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media