Boosaaso: Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Puntland oo lagu dilay

Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Kumaandooska dowlad Goboleedka Puntland.

Dilkaan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Nawaaxiga Xarunta Taliska Booliska PMPF,isla markaana uu geystay Askari ka tirsan Ciidanka Puntland,kaasi oo gacanta lagu dhigay.

Sarkaalka la dilay ee ka tirsanaa Ciidanka kumaandoosta Puntland ee PMPF ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Mire jaceyl,kaasi oo uu toogray Askari kale,kadib markii uu muran soo kala dhexgalay.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Boosaaso ayaa tilmaamaya in Askarigii dilkaas geystay la xiray,isla markaana sharciga la hor geyn doono sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowlad Goboleedka Puntland ee halkaasi ku sugan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media