Tallaabo aan laga filaynin Madaxweyne Erdogan ayuu ku dhaqaaqay, kadib, markii uu sheegay inuu ka laabtay Dacwadihii uu ka buuxiyey dadka isaga sida khaaska u aflagaadeeyey.
Madaxweynaha Turkiga waxa uu xusay in sababaha uu u qaatay go’aankaasi tahay Isku-duubnida Midnimadda, kadib Afgembigii Fashilmay ee bishan 15-dii xilka looga tuuri lahaa.
Dacwad-oogayaasha Turkiga waxay horey u fureen in ka badan 1,800 dacwado ka dhan ah dadka aflagaadeeyey Madaxweyne Erdogan tan iyo markii uu xilkaasi loo doortay sannadkii 2014-kii.
Inta badan dadka aflagaadeeyey Erdogan ee la beegsaday waxaa ku jira Suxufiyiin, Kartooniste iyo xitaa carruur.
Ma kala cadda haddii uu Madaxweyne Erdogan daadin doono Dcawadiisa dhinaca Sharciga ee ka dhanka ah Majaajilistaha u dhashay dalka Jarmalka, Jan Boehmermann, kaasi oo bilowgii sannadkan si kulul u aflagaadeeyey Madaxweyne Erdogan.
©Radio Dalsan