Warbaahinta dalka Turkiga ayaa shaacisay in maanta la sii daayey in ka badan 70 Askari, kuwaasi oo la xiray wax yar kadibn markii uu fashilmay Afgembigii ka dhacay dalkaasi.
Wakaalladda Wararka ee Anadolu ayaa sheegtay inuu Garsoore amar ku bixiyey in la sii daayo 758 Askari, isagoo sheegay inuusan Xarigooda daruuri ahayn.
Garsooraha waxa kale oo uu tilmaamay in 231 Askari oo kale weli xiran yihiin oo su’aalo la weydiinayo.
Dhinaca kale, Maxkamad ku taallo magaalladda Istanbuul waxay 17 Saxafi ku xukuntay Xabsi Guri, kadib, markii lagu helay inay xiriir la leeyihiin Fatxullaahi Gulen oo lagu eedeeyo inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay Afgembigii Fashilmay ee bishan July 15-dii ka dhacay Turkiga.
©Radio Dalsan