Madaxweynaha maamul Gobaleedka Puntland Siiciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug, Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo  dhaweeayay halkaas.
Safarka Madaxweyne Derni ayaa waxaa ku weheliyay xubno ka mid ah Golahiisa wasiirada, waxaana soo dhaweyntiisa ka qayb qaatay masuuliyiin iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo.
Madaxweynaha  Puntalnd ayaa kasoo Amba-baxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, waxaana uu safar xagga dhulka ah kusoo maray magalada Cadaado, iyadoona uu la socday Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Madaxweyne Deni ayaa maalmihii u dambeeayay waxaa uu ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb halkaas oo uu kaga qayb galay shirkii u dhexeeyay madaxda Dowladda federalka Soomaliya iyo kuwa maamul Gobaleedyada dalka.