Khilaaf ka dhashay Go’aankii Masjidka looga dhigay Aaya-suufiya

Turkiga iyo Giriiga ayaa Sabtida maanta ah is-dhaafsaday ereyo ad-adag oo ku aaddan tallaabada dhismaha Sophia dib looga dhigay Masjid, maalin uun kadib markii salaadda lagu oogay goobtan markii u horeysay ee muddo ku dhow 90 sanadood.

Dhaleecaynta Giriiga ee tallaabada looga beddelay goobta iney madxaf sii ahaato ayaa noqotay mid adag, taasi oo hoosta ka xariiqeysa xiriirka aadka u liita ee ka dhexeeya dalalka Giriiga iyo Turkiga.

Dawan murugo xanbaarsan ayaa Jimcihii laga yeeriyey Kaniisadaha dalka Giriiga, xilli uu Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ku biiray salaadda ay Muslimiitu ku tukanayeen dhismaha Aya Sofya ee magaalada Istanbul.

Wasaaradda ayaa si kulul u cambaareysay hadallada cadaawadda leh ee ay soo jeediyeen dowladda Gariiga iyo xubnaha baarlamaanka dalkaasi si ay u kiciyaan shacabka, iyadoo calanka Turkiga lagu gubay magaalada Thessaloniki ayaa lagu sheegay qoraalka wasaaradda.

Hagia Sophia waxaa loo furay salaadda Muslimiinta cibaadeysanaya, iyadoo ay taasi la jaanqaadeyso rabitaanka shacabka Turkiga, waxaana dhismahan leh dalka Turkey sida xarumha kale ee dhaqankaba, ayaa lagu xusay qoraalka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Greece oo qoraal jawaab ah soo saartay ayaa sheegtay in “beesha caalamka ee qarnigan 21-aad ay la yaaban tahay iney arkaan ficillada xagjirka diineed iyo kuwa wadaniyadeed ee maanta ka jira dalka Turkiga.”

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media