Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Qardha ayaa waxaa uu ka hadlay Khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliay.
Waxaa uu sheegay Madaxweyne Deni in dowladda Federaalka ay ku jirto geedi socod siyaasadeed, isagoona ku dhaliilay in dowladda weli aysan caga dhigan, isla markaana loo baahan yahaya in Puntland ay qeyb ka noqoto geedi socodka lagu jiro.
Sidoo kale Saciid Deni ayaa waxaa uu sheegay in Puntland ay ka go’antahay in Madaxda dowladda xiligaa ay kula xisaabtanto saamiga Puntland uga maqan dowladda dhexe, waxaana Bulshada maamulkiisa uu ka dalbatay inay ku taageeraan Go’aankiisa.
Si kastaba maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya Khilaaf siyaasadeed, waxaana Madaxweyne Deni dhowr jeer uu ku cel-celiyay in Puntland ay diyaar u tahay wadahadal dhexmara labada dhinac.