Nin Somali oo maqar la geli lahaa Barlamaanka Canada oo berri la soo maxkamadeynayo

MINDIDA HILIBKAMuwaadin Somali ah oo lagu magacaabo Yaasiin Cali ayaa lagu wadaa in berrito la soo taago Maxkamadda magaalladda Toronto ee dalka Canada.

Eedeysanaha oo 56 jir ah ayaa la sheegay inay Ciiddanka Ammaanka ee Dhismaha Barlamaanka Canada oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Ottawa qabteen isagoo Barlamaanka la geli lahaa  Mindida weyn ee Hilibka lagu jarjaro, taasi oo dhererkeedu dhamaa 6 inji (6 inch.

Xeer-beegtida ayaa sheegtay in Eedeysanaha shalay la soo taagay Maxkamadda, balse  dhegeysiga dacwadda  la hakiyey, kadib, markii  la waayey qof ka turjuma Eedeysanaha oo aan aqoonin Luqadda Englishka, balse ku hadli kara Luqadaha Carabiga iyo Soomaaliga.

Garyaqaanka Eedeysanaha ayaa isagana codsaday  in la siiyo xilli uu La-tashiyo kale ula yeesho Eedeysanaha.

Taliyaha Ciiddanka Boliska ee Boqortooyada Canada (Royal Canadian Mounted Police), Bob Paulson ayaa u sheegay Weriyayaasha inay Maamulayaasha yaqaanaan Yaasiin Cali, balse ma jiraan Tuhuno ku xiriirinaya Argagixiso, wuxuuna sheegay inuu fahamsan yahay inuuu ninkaasi falkaasi u geystay sababo la xiriira Xanuunka Dhimirka.

Yaasiin Cali oo deggan magaalladda Toronto ayaan la ogeyn sababta ku kalliftay in isagoo mindi watay uu galo Dhismaha Barlamaanka Canada ee Parliament Hill.

Yaasiin Cali oo dalka Canada tegay sannadihii 1990-aadkii ayaa ahaan jirey Dareewal, iyadoo ay Taraafikadda sannadkii 1998-dii ku ganaaxeen lacag dhan 300 Dollar, kadib, markii uu shil ku burburiyey gaari kale.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor