Madaxweyne Axmed Madoobe oo gaaray Jabuuti iyo ujeedka safarkiisa oo la shaaciyey

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka ambabaxay magaalada Kismaayo ayaa maanta gaaray Magaalada Jabuuti ee Caasimada Jamhuuriyada Jabuuti.

Madaxweynaha oo wafdigiisa ay kamid yihiin Wasiirada Amniga, Maaliyada, Ganacsiga, iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Jubaland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha jabuuti kusoo dhaweeyay Wasiirka arrimaha dibada jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf iyo masuuliyiin kale oo katirsan Dowlada Jabuuti.

Waxaa Madaxweynahu uu dalkan jabuuti ku yimid booqasho rasmi ah oo qaadan doonta mudo Sadex maalmood ah kadib Markii uu xasuumaad ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti waxaa uu kulamo looga hadlayo arrimo kala duwan uu la qaadan doonaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor