Madaxweynaha oo soo dhaweeyey heshiiskii ay Puntland iyo Galmudug ku gaareen Abu Dubai.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyey heshiiskii dhawaan magaalada Abu Dhabi ay ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Labada Madaxweyne ee Galmudug iyo Puntland inay sida uu yahay u fuliyaan heshiiskaaas ku saabsan nabad waarta oo laga gaaro dagaallada dhaxmaray dadka walaalaha ah ee ku nool magaalada Gaalkacyo.

“ Waxaan ugu baaqayaa Madaxweyaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed in ay ka shaqeeyaan sidii uu u dhaqan geli lahaa heshsiiska ay ku kala saxiixdeen Abu-Dhabi si mar dambe uusan u daadan dhiigga dadka waalaalaha ah ee k u nool degmada Gaalkacyo. Dowladda Federaalka waxay diyaar u tahay inay labadda dowlad Gobolleed ay ku garab istaagto in heshiiskaasi sida uu yahay u dhaqan galo” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyey Amiirka dalka Isutaga Imaraadka Carabta Sheekh Khaliifa Bin Zayed Al Nahyan iyo Dhaxal Sugaha Isutaga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan dedaaladii ay ka geysteen heshiiska lagu nabadeynayo Gaalkacyo ee ay gaareen Puntland iyo Galmudug. Madaxeynaha ayaa sidoo kale uga mahad-celiyey dowladda Imaaraadka Carabta sida walaltinimada ah ee ay uga qeyb qaadaty dib u dhiska, horumarka iyo nabadeynta Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in xirriirka ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu yahay mid adag oo soo jireen ah, Soomaaliyana ay ka go’antahay in xiriirkaas taariikhiga ah uu sii xoogeysto.

—-Dhammaad— 
Shador Haji 
Agaasimaha Warfaafinta 
Madaxtooyada Soomaaliya 
E-mail: [email protected] 
www.villasomalia.gov.so

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media