Xildhibaanadda Barlamaanka dalka Burundi waxay ka codsadeen Dowladda in dib loola soo baxo Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
Xildhibaanadda waxay shalay u yeereen Wasiirka Difaaca ee dalkaasi, Emmanuel Ntahomvukiye iyo Taliyaha Boliska ee dalkaasi, Alain Guillaume Bunyoni, si ay uga jawaabaan arrimo ku aaadan Ciiddanka Nabad-ilaalinta ee Burundi.
Madaxa Guddiga Ammaanka iyo Difaaca ee Barlamaanka dalkaasi, Victor Burikukiye ayaa sheegay in la joogo xilligii Ciiddankaasi laga soo saari lahaa gudaha Somalia, wuxuuna xusay inaysan Ciiddankaasi wax mushaar ah la siinin muddo 10-bilood ah.
Waxa uu tilmaamay inay Midowga Europe ka biyo- diideen inay Dowladda Burundi soo marsiiyaan Mushaaraadka Ciiddankaasi, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in la joogo xilli Ciiddankaasi dib loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo.
“Ma jirto Dowlad ka tirsan Caalamka oo oggolaanayo inMushaarka Ciiddankooda bixiyaan Hay’ad kale, Burundi marna ma yeelayso arrintaas” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Ammaanka iyo Difaaca ee Barlamaanka Burundi.
Qaar ka mid ah Xildhibaanadda ayaa ka digay in la qaato Go’aan Degdeg ah, waxayna ku baaqeen in Wada-xaajood lala galo dhamaan Dalalka xubnaha ka ah Hawlgalka AMISOM iyo xitaa Ururka Midowga Europe, si loo xaliyo Xiisadda taagan.
Dhinaca kale, Wasiirka Difaaca ee dalkaasi, Emmanuel Ntahomvukiye ayaa u sheegay Barlamaanka inaysan Ciiddankooda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM qaadanin wax Gunno ah muddo 10 bilood, wuxuuna xusay inay Midowga Europe xanibeen Lacagihii la siin jirey Ciiddanka Burundi ee ka hawlgala gudaha Somalia.
Waxa uu intaasi ku daray in Gunadda Askar kasta la siin jirey bishiiba oo dhamayd 800 Dollar inaan la bixinin muddo 10 bilood, balse ilaa Xilligaasi in Askarta la siinayo Mushaar aadf u hooseeya.
Burundi waxa Somalia ka jooga in ka badan 5,400 Askari , waana dalka Labaad ee Ciiddamadda ugu badan ku soo biiriyey Hawlgalka AMISOM.
Dalka Uganda ayaa ah Waddanka ugu badan ee ay Ciiddamo ka joogaan Somalia, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay in ka badan 6,000 oo Askari.
Ciiddanka Milliteriga ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM waxay u kala dhasheen dalalka Djibouti, Ethiopia, Kenya, Uganda iyo Burundi .
Sidoo kale, Ciiddanka Boliska ee AMISOM waxay ka kala socdaan dal ay ka mid yihiin Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone iyo Uganda.
©Radio Dalsan