Madaxweynaha oo Safiirka cusub ee EU-da ka guddoomay Waraaqaheeda Aqoonsiga Danjirenimo

Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud waxa uu  waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Midowga Yurub Veronique Lorenzo islamar-kaana ay Madaxweynaha soo gaarsiisey fariin ay ka wadey madaxda Midowga Yurub.



Safiirka cusub Veronique Lorenzo ayaa uga mahad-celisey Madaxwyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadaheeda aqoonsiga ee Safiirnimo. “Aqbalaada Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo weliba ah maalintii ugu horeysey ee aan imaado Muqdisho waxey tahay calaamad xoogan ee xiriirka heerka sare ee Midowga Yurub iyo Soomaaliya. Midowga Yurubna wey ka go’antahay inay sii joogteyso taageeradeeda Dalka Soomaaliya.” Ayey tiri Safiir Veronique Lorenzo

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xiriir qoto dheer la lahayd Midowga Yurub, waxuuna safiirada kula dardaarmay inay sii dar-dar geliso xoojinta xiriiirka labada dhinac. Madaxweynaha ayaa sheegay in Midowga Yurub ay 2013kii horseed ka ahaayeen barnaamijka New Deal oo Brussels lagu qabtay isla markaasna ay beesha caalamku yabooh ugu deeqeen Soomaaliya.


Ugu dambentii Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa yiri “ Waxaan uga mahad-celinayaa Midowga Yurub sida ay marwalba door fiican uga qaataan xoojinta xiriirka Soomaaliya, waxaana u rajeynayaa inay dowladda kala shaqeeyso mashaariicda dib-udhiska iyo horumarka dalka.”

DHAMMAAD
Waxii macluumaad dheeri ah fadlan kala xiriir
Shador Haji Mohamud
Senior Press Officer
Office of the Somali President
E 1: [email protected]
E 2: [email protected] 
Twitter:
@thevillasomalia/@Shador_Haji
https://www.facebook.com/Shadorhaji

3
2
5
4

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media