Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud “Silaanyo” ayaa soo dhaweeyey Doorashadda Madaxweynaha JFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo, kuna tilmaamay mid guul u ah dadka Soomaaliyeed.
Silaanyo ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu ka hadlayey Shir ay Labada Gole ee Wakiilladda iyo Guurtida Somaliland ugu codeeyeen Heshiis ay Maamulka Somaliland iyo Dowladda Imaaraadka Carabta ku gaareen inay Imaaraadka Saldhig Milliteri ka dhigtaan Dekedda magaalladda Berbera.
“Waxaan uga digayaa Madaxweynaha Somalia inuu faragelin ku sameeyo Midnimadda Somaliland” ayuu yiri Silaanyo oo intaasi ku daray in loo baahan yahay in la ogaado Xaqiiqda iyo Runta Somaliland.
Hadalka Madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo beegmay dhowr maalmood kadib, markii ay Somaliland soo saareen War-saxaafadeed ay ku taageereen Madaxweyne Farmaajo.
Somaliland waxay sannadkii 1991-kii sheegteen inay ka go’een Jamhuuriyadda Somalia, balse, weli ma helin Ictiraaf Caalami ah.
©Radio Dalsan