Madaxweyne Farmaajo oo Amray in la xiro Akoonada Bankiga Dhexe ee Dowladda Hoose iyo Wasaaradaha.

 

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo madaxweynaha cusub ee soomaalaiaya ayaa si Kmg ah u xanibay dhaqdhaqaaqa xisaabaadka Bankiga dhexe ee dowlada hoose iyo qaar kamid ah wasaaradaha xukuumada dalka xili uusan wali Farmaajo lawareegin xilka Madaxweynaha.

Warar Hoose ay Dalsan heshay ayaa ku waramaya in Akoonadii bankiga dhexe ee dowlada hoose gabi ahaan la xanibay inta uu xilka si rasmi ah ula wareegayo madaxweyne Farmaajo waxaana sidookale go,aankaasi uu saameeyey qaar kamid ah wasaaradaha xukuumadda oo iyana hakad lagaliyey Akoonadii ay kula haayeen Bankiga Dhexe iyadoo la sheegayo xitaa in akoonadii hey’addaha qaar dowlada uga furnaa Shirkadaha gaarka ah la hakiyey si loola socoda dhaqdhaqaaqa xisaabaadka Dowlada.

Talaabadan ayaa umuuqato mid loo qaaday ilaalinta hantida dowlada si eysan u imaan wax isdaba marin iyo masuq maasuq kahor inta uusan xilka la wareegin  madaxweynaha cusub oo lafilayo in dhawaan uu la wareego Xafiiska.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media