Madaxweyne Maxamuud Cabaas Abu Maasim ayaa hadalkaasi ka sheegay magaalladda Baytu-laxam ee Daanta Galbeed, wuxuuna uga digay Madaxweynaha La-doortay ee Maraykanka inuu qaato go’aan uu Safaaradooda ku taalla magaalladda Televiv u soo wareejiyo magaalladda Barakaysan ee Quddus-ta la-haysto.
Waxa uu xusay inay tallaabadaasi khatar ku tahay Xorriyadda dalka Falastiin, isla markaana oggolaan doonin in Quddus oo ah Caasimadda mustaqbalka ee Falastiin wax laga bedelo.
Madaxweynaha Falastiin waxa kale oo ui tilmaamay haddii ay Maraykanka safaaradooda u soo wareejiyaan Quddus inay taasi khatar u keeni karo Nabad-raadinta Bariga Dhexe iyo guud ahaan Nabadda Caalamka.
Bishii September ee sannadkii hor, ayuu Donald Trump shaaciyey inuu magaalladda Quddus u aqoonsan doono magaalladda aan kala qeybsanayn ee Yuhuudda.
©Radio Dalsan