Madxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicadiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa xalay kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka.
Kulankan oo ahaa mid uu soo qaban-qaabiyay maamulka Degmada Waajid ayaa Madaxweynaha iyo Odayaasha dhaqanka waxaa ay uga wadleen arrimo kala duwan oo ku aadan xaalada guud ee deegaanka.
Sidoo kale Madaxweyne lafta-gareen ayaa odayaasha kala hadlay arrinaha ay u baahan yihiin in loo qabto, isla markaana waxaa uu ka dhageystay dhibaatooyika ka jira degmada Waajid.
Odayaasha dhaqanka Waajid ayaa lafta-gareen ka codsay in degmada laga qaado Go’doonka ay ku jirto, isla markaana laga hirgeliyo mashaariic horumarineed.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa u tagay degmada Waajid sidii uu ugu kuurgeli lahaa xaaladaha dadka ku nool degmada iyo baahiyaha ay qabaan, isagoo goob fagaaro ah shalay kala hadlay Bulshada Waajid.
Mudada uu madaxweyne Lafta gareen ku sugan degmada Waajid ayaa wuxuu kormeer ku sameyn doonaa xarumaha kala duwan ee maamulka degmada iyo kan gobolka.