Magaalada Godey ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ka dhacday Doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Ururka ONLF oo ay ku tartameen laba Musharax.
Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi Maadey ayaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Cusub ee Ururka ONLF, kaasi oo kamid ahaa aas-aasayaasha Ururka.
Sidoo kale C/raxmaan Maadey ayaa helay 340 cod, halka Axmed Yaasiin oo la tartamay isna uu helay codad gaaraya ilaa iyo 251, isla markaana waxaa halaabay 7 cod, iyadoo Doorashadu aheyd mid si qarsoodi ah loo codeynayay oo warqadaha lagu ridayay Sanduuq.
Guddoomiye C/raxmaan Maadey ayaa bedelaya Guddoomiyihii hore ee ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan oo ahaa Guddoomiyihii Ururka xilligii ay halganka dagaalka ay ku jirtay.
Doorashadii Ururka ONLF ee ka dhacday Magaalada Godey ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa codaynayay in ka badan 600 oo ergo, iyagoona ugu dambeyn Guddoomiye u doortay C/raxmaan Maadey.
Doorashada Ururka ONLF ayaa ku soo aaday, xili Ururka heshiis uu la galay Itoobiya, Doorashada ayaa aheyd mid isha lagu wada haayay, waana tii ugu horeysay ee Guddoomiyaha Ururka loogu doorto.