Madaxweynaha Dowlad goboleedka koonfur galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Madaxweyne Lafta Gareen iyo wafdigiida waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo xildhibaanada golaha wakiilada Dowlad goboleedka Kaoofur galbeed Soomaaliya iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee Bulshada oo ka kooban dhalinyaro,Haweenka iyo wax garadka.
Madaxweynaha Koofur galbeed Cabdisaciis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa magaalada Muqdisho uga qeyb-galay dhammeystirka shirkii wadatashiga doorashada dalka oo dhawaan laga soo saaray hishiikii hirgalinta jadwalka dalka 2020/2021.