Madaxweynaha Faransiiska Emmnauel Macron ayaa shaaca ka qaaday qorshe uu ku doonayo inuu ku meel mariyo sharci adag oo uu sheegay inuu ku xakameynayo waxa uu ugu yeeshay “Muslimiinta gooni u goosadka ah” si uu u difaaco mabaadiida cilmaaniga.
Madaxweyne Macron oo jeediyey khudbad laga sugayey ayaa sheegay muslimiinta ku nool Faransiiska oo laga tirada badan yahay oo lagu qayaaso 6 malyan iney khatar ugu jiraan iney sameystaan ‘bulsho ka duwan’ Faransiiska intiisa kale.
Qorshaha uu madaxweynaha damacsan yahay ayuu ku sheegay iney ka mid yihiin dugsiyada waxbarashada ee ay muslimiinta leeyihiin oo gacan bir ah lagu qabto iyo in la xakameeyo lacagaha dibadaha ka yimaadda ee masaajidda lagu dhiso.
“Diinta Islaamka dunida oo dhan ayey maanta dhibaata ku tahay, mana dooneyno iney taa dalkeenna ku aragno” ayuu yiri Mr Macron.