Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Wareysi gaar ah siiyayay TV Dalsan ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira Sisaayadda dalku marayo iyo waxyaabo kale oo quseeya dhacdooyin hore, kuwaas oo dhammaan ku xayn daaban Siyaasadda guud ee Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa Su’aal galiyay Madax bannaanida Soomaaliya isagoo sheegay in Halka laga xukumo dalka uu furaheeda hayo Askari Ajanabi ah, waxaana uu sheegay in Goobaha ugu muhiimsan ee dalka laga maamulo siyaasad ahaan iyo go’aan ahaanba ay gacanta ku hayaan Ciidammo Ajaanib ah, iyadoo uu sheegay in Madaxtooyada, Garoonka Diyaaradaha, Xarunta Baarlamaanka iyo Dekadda ay gacanta ku hayaan Hay’ado iyo Ciidan Shisheeye, kuwaas oo awoodda ugu badan ku leh maamulka Villa Somalia waa sida uu hadalka u dhigaye.
Madax-bannaanida Soomaaliya ayuu sheegay in ay billaaban doonta marka Ciidanka iyo Hay’adaha Shisheeya ay ka baxaan dalka “ Soomaaliya madax-bannanideeda Shaki ayaa ku jira, inta Askari Shisheeye uu hayo Furaha madaxtooyada ma jirto wax madax-bannaani ah oo Soomaaliya ay haysato, maalinta ay Askarta Shisheeye ka baxaan dalka ayna talada la wareegaan Ciidan Soomaaliyeed ayay billaabanaysaa Madax-bannaanida Soomaaliya” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Waxyaabaha uu sida gaarka ah uga hadlay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Waxaa ka mid ah siyaasadda Madaxweyne farmaajo oo uu sheegay in uu awood iyo cabburin adeegsaday ilaa iyo haddana uu adeegsanayo, waxaana uu sheegay in Xisbiyada Mucaaradka ay haatan u taagan yihiin kaalintii Baarlamaanka, waxaana middaas uu u sababeeyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo sida uu sheegay aamusiyay Baarlamaaankii la rabay in ay la Xisaabtamaan Fulinta, inta ay jirtay Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayuu sheegay CC Shakuur in dalka taladiisa iyo go’aamada oo idil ay gacanta ugu jireen Seddex ruux oo kaliya oo uu ula jeeday Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxaana uu ku eedeyay seddexda Mas’uul in ay isku koobeen talada oo idil, isagoo sheegay in ay cabburin iyo sharci ku tumasho ku keceen.
C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay kulan isaga iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble dhexmaray, waxaana uu sheegay in uu Casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaaraha dhawaan la magacaabay, waxaana uu sheegay in talo siin oo kaliya ay ka wada hadleen, “Anigu kama codsan in aan is aragno, martiqaadku xaggiisa ayuu ka yimid waana ka aqbalay,horay ayaana isku Naqaannay labadeennu, waxyaabaah aan kula taliyay waxaa ka mid ahaa in uusan isku dayin muddo kordhin oo ay Doorashadu dib u dhacdo, in uu isku soo dhaweeyo dadkii uu Farmaajo kala ir-dheeyay, oo isugu jira Siyaasiyiin iyo dad shaacb ah intaba, waxaana kula taliyay in uu waqtiga yare e uu haysto uu ka faa’iidayso” ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur Warsame mar uu ka hadlayay waxyaabaha ay ka wada hadleen isaga iyo Ra’isul Wasaare Rooble.
Dhanka kale waxaa uu ka hadlay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Xiriirka u dhexeya isaga iyo Imaaraadka Carabta oo galaan-gal siysaasadeed kuleh Soomaaliya, waxana uu sheegay CC Shakuur in uusan jirin wax Xiriir ah oo u dhexeeya Isaga iyo Imaaraadka carabta “Ma jiro wax xariir ah oo inoo dhexeya aniga iyo Imaaraadka Carabta, mana jiro xiriir na dhex-mari kara, sababtoo ah Anigu dowlad maahi, waxaa xariir dhex-mari karaa Farmaajo iyo Imaaraadka sababtoo ah isaga ayaa Madaxweyne ah, in aniga iyo Dowlad aan xiriir yeelanno ma ahan mid macquul ah sababtoo ah anigu dowlad ma matalo mana ahi, waxaan ahay shakhsi oo kaliya” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.
Ugu Dambeyntii CC Shakuur ayaa ka hadlay wax qabadka dowladda talada haysa ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Framaajo, waxaana uu sheegay in Dowladdu ay ku guuldarreysatay wax ka qabashada baahiyaha aas-aasiga ah ee shacabku ay qabaan, waxaana uu sheegay in taa baddal keeda ay dowladda iminka talada haysya ay waqti ku lumisay waxyaabo badan oo loo baahnaa in dib loo dhigo ama laga hormariyo baahiyaha ka horreeya, waxaan uu tusaale usoo qaatay Hoggaamiyah Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Taallooyinka, Dayactirkii Tiyaatar ka qaarnka (National Theatre) iyo Dayactirkii lagu Sameeyay garoonka kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho, waxaana dhammaan waxyaabahaas oo idil uu ku tilmaamay kuwo dowladdu ay ka hormarisay baahiyihii ka mudnaa, isagoo sheegay in ay jiraan baahiyo badan oo shaacbku la daala dhacayaan, kuwaas oo ay habboonayd in muhiimadda ay saarto dowladda uu Farmaajo hoggaanka u hayo iminka.