Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Madaxweynaha dalka Ereteriya Eritrea Isaias Afwerki iyo wafdi uu hoggaaminayo inay soo gaaraan Magalada Muqdisho.
Wafdiga imaanshihiisa ayaa waxaa shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya,waxaana la sheegay inay qeyb ka noqon doonaan Xubno ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi Ereteriya.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Ereteriya ayaa kulan yeelan doona,iyaga oo uga wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal oo dhowaan dib u bilowday.
Ammaanka Magalada Muqdisho ayaa Maanta aad loo adkeeyay,waxaana inta badan xiran Wadooyinka Magalada Muqdisho.