Iiraan oo lagu eedeeyay fududeynta Dhuxusha sida sharci-darradda looga dhoofiyo Somalia

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Mraaykanka, Mayk Pompeyo ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM xalay ku yeesheen Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York.
Waxa uu ku eedeeyey Dowladda Iiraan inay horumarinayso Gantaalladda Balaastikadda, oo uu xusay inay khatar ku yihiin dalalka Bariga Dhexe, wuxuuna ku baaqay in Iiraan lagu sii giijiyo cunaqabataynta Hubka ee ay QM ku soo rogtay dalkaasi oo ku ekaan doona sannadka 2020-ka.
Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Marykanka, Mayk Pompeyo  waxa uu ku eedeeyey Dowladda Iiraan inay fududeynayso Ganacsiga sharci-darradda ee Dhuxusha laga soo dhoofiyo Somalia.
Waxa uu intaasi ku daray inay Dhoofinta Dhuxusha ka macaashaan Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba ha ahaatee,  Eedeyntiisa waxay ku soo beegantay iyadoo ay Khubarada QM ee La-socodka Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia horey u sheegeen in  hayaan caddaymo muujinay in ay Dekedaha Iiraan ku xirtaan Maraakiibta shixnadaha dhuxusha ka qaada Dekeddo ku yaalla dalka  Soma

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media