Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray Magaaladda Baydhabo ee xaruunta ku-meelgaarka u ah maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ah Madaxweynayaasha Maamuladda Galmudug iyo Jubaland, waxaana ujeedka uu yahay in ay Magaaladdaasi ay ka furaan wajiga labaad ee Ololaha siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan.
Waxqabadkii uu kusoo bandhigay dhawaan Magaaladda Muqdishu ayaa lagu soo bandhigaya, Film Documentry ah oo soconaya muddo 60 daqiiqo ah , kaasoo ka hadlaya waxqabadka Afartii Sano ee lasoo dhaafay.
Waxaa sidoo kale ay muddadii Afarta Sana ahayd Dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ay soo noolaynta haykalka dowlad nimo iyo aqoonsiga la siiyay Soomaaliya iney mar kale ka mid noqotay waddamad xorta ah ee Caalamka.