Inta la ogyahay labo askeri ayaa ku geeryootay, halka daraasiin kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii Qaraxyo ay ka dheceen degmadda Diinsoor ee Gobolka Baay ee koonur galbeed Soomaaliya, gelinkii dambe ee shalay, sida goob-joogayaal ay Radio Dalsan u sheegeen.
Qaraxyada ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen Miinooyinka dhulka lagu aaso, waxaana lala beegsaday kolonyo ay ciidan oo degmadda marayay.
Maamulka degmadda, ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan ogaanshaha cidii ka dambeysay qaraxyadda, balse Xarakadda Al Shbaab ayaa inta badan qaraxyada noocaasi ah la beegsatay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee Amisom.
Xaalada ayaa maanta ka yara degan shalay waxaana si ciidia ah kusoo noqonaya ganacsiga iyo dhaq-dhaqaaqa degmadda.