Madaxweynaha dalka Iraq, FU’AAD MASUUM ayaa hadalkaasi ku dhawaaqay, kadib, markii uu Madaxweyne Farmaajo isku arkeen Shirweynihii 29-aad ee Madaxda Dowladda Carabta ee shalay lagu qabtay magaalladda DHAHRAAN ee dalka Sacuudiga.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda dalka Iraq oo ay Wakaalladda Wararka ee Qaeanka Iraq ee the Iraqi National News Agency (NINA) ayaa lagu sheegay inuu Madaxweynaha Iraq carrabka ku dhuftay inay Somalia u fidin doonaan dhamaan wixii Taageero ah Dagaalka lagula jiro Alshabaab iyo soo-celinta Deganaanshaha Somalia iyo Mandiqada, waa sida uu hadalka u dhigay.
Labada Madaxweyne waxay kaloo ka wada hadleen qaababka loo xoojin karo Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Ammaanka ee u dhexeeya labada Waddan.
Dhinaca kale, Nadaxweyne Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Xiriirka Walaaltinimo ee Somalia iyo Iraq, wuxuuna ku baaqay in la ballaariyo Iskaashigaasi, gaar ahaan sidii Dowladda Iraq looga faa’ideysan lahaa Khibradooda Milliteri iyo Sirdoonka, si looga guuleysto Dagaalka Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.