• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, July 15, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

UNICEF: 14 Tuullo oo ka tirsan Somalia oo loo aqoonsaday inay dadka joojiyeen inay bannaanka ku xaajoodaan

Dalsan Editor by Dalsan Editor
November 19, 2016
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

14  Tuullo  oo ka tirsan Somalia oo loo aqoonsaday inay dadka joojiyeen inay bannaanka ku xaajoodaan, xilli maanta loo dabaal-degayey Maalinta Caalamiga ee Musqulaha.

Laba iyo toban tuulo oo ku yaalla Somaliland iyo laba ka tirsan Puntland ayaa si rasmi ah loo aqoonsadey ka dib markii ay hubiyeen in qof kasta oo ka mid ah bulshada uu hadda isticmaalo suuli taas oo keentey in la joojiyo in lagu xaajo guto meelaha beeraha, jiqda, keymaha ama bannaanada ah.

Wararkan ayaa imanaya iyada oo loo dabbaaldegayo Maalinta Adduunka ee Musqulaha/Suuliyada, oo ah 19ka Nofembar, taas oo diiradda lagu saarayo in la qaado tallaabo lagu gaarayo 2.4ta milyan ee qof ee dunida ku nool ee aan haysan musqul.

Fayadhowrka ayaa ah arrin la xidhiidha horumarka caalamka oo mudnaan lagu siiyey Yoolalka Hoarumarka ee La Joogteyn karo (the Sustainable Development Goals), oo daaha laga rogey sanadkii 2015kii, kuwaas oo ay ka mid yihiin in la hubiyo in qof walba halkii la doono haku noolaadee uu heli karo musqulo wixii loo gaaro 2030-ka.

UNICEF waxaa ay Soomaaliya ka bilowdey hab lagu beddelayo dabeecadda dadka oo loo yaqaannno Fayadhowr Dhammeystiran oo ay Bulshadu Hormuud u Tahay / Community Led Total Sanitation (CLTS) – oo ah geeddi-socod fayadhowr oo xubnaha bulshada lagu siinayo awood ay ku qaadaan tallaabo wadajir ah oo lagun joojinayo in bannaanada lagu saxaroodo iyo in ay bulshadu dhisato musqulo ayna isticmaasho.

Habkaan ayaa diiradda saaraya faa’iidooyinka dhinaca caafimaadka ah ee laga helo in aan dibadda iyo bannaanada lagu saxaroon.

Sanadkii 2012-kii ayaa UNICEF waxaa ay mashruuc ka bilowdey 60 tuulo oo ku yaalla guud ahaan Soomaaliya waxaana ugu dambeyntii muuqqta guulo laga gaarey arrintaa.

Tuulooyinka ayaa la sheegay  in ay yihiin Kuwo Ka Xoroobey Dibad-ku-saxarooshada, waxaana ku dhawaaqey kooxaha xaqiijinta iyo u markhaatikaca u qaabilsan oo ay hoggaamineyso Wasaaradda Caafimaadka.

“Arrintan ayaa dhab ahaantii ah horumar lagu badbaadin karo nolosha carruurta,” ayaa uu yiri Steven Lauwerier, oo ah Wakiilka UNICEF Somalia oo booqdey mid ka mid ah tuulooyinka dhowaan lagu dhawaaqey in ay Xor Ka Yihiin Bannaan-ku-saxarooshada oo ka tirsan Gabiley. “Deegaankan ayaa ah mid qof walba uga nadaafad badan ugana caafimaad badan sidii hore.

Bulshadan iyo dhammaan bulshooyinka ku nool dhammaan tuulooyinka Ka Xoroobey Dibad-ku-saxarashooda waa in lagu hambalyeeyaa dadaalkooda joogtada iyo tallaabooyinkii ay ku dhaqaaqeen.”

In ka badan saddex-meelood meel dadka Soomaaliya (37 boqolkiiba) ayaa ah kuwo dibadaha ku saxarooda taas oo halis ballaaran ku ah caafimaadka bulshada – gaar ahaan carruurta.

Fayadhowr-xumada ayaa waxaa ka dhashey shuban badan oo si joogto ah ugu dhaca carruurta ka yar shan sano jirka in kasta oo ay kordheen ilaha biyaha nadiifta ah ay dadku ka heli karaan. Carruurta ku tabar-beeley shuban ku soo noqnoqda ayaa u nugul nafaqo-xumo, iyo caabuqyada fursad-gaadka ah sida oof-wareenka. Dibadaha oo lagu saxaroodo ayaa sidoo kale waxaa ay kordhineysaa halista ay bulshaduugu jirto cudurka dabeysha oo la isugu gudbiyo saxarada dadka kaas oo ku dhacay 199 Soomaali ah, oo carruur u badan, muddadii u dhaxaysay 2013kii ilaa 2014-kii.

musqul world-toilet-day

©Radio Dalsan

Previous Post

Nin Somali-Maraykan lagu qabtay Qaad oo la xukumay.

Next Post

(Dhageyso):-Warka Duhur Ee Radio Dalsan 01:00pm (19-11-2016).

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil
Warar

DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil

July 15, 2025
Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya
Caalamka

Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya

July 15, 2025
Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia
Warar

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Buuraleyda Bari, laguna dilay maleeshiyaad ka tirsan Daacish

July 15, 2025
Next Post

(Dhageyso):-Warka Duhur Ee Radio Dalsan 01:00pm (19-11-2016).

MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time

MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time

by Liban
July 15, 2025
0

Mogadishu  – In a landmark moment for the Horn of Africa, Somalia officially opened the 34th Policy Organs Meeting of the...

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Wararka laga helayo magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi uu ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya...

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shaaciyay in ololaha isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Gobolka Banaadir la kordhiyay...

“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigay hub iyo agab milatari oo ay sheegeen inay kala wareegeen maleeshiyaad hubeysan oo...

MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time
English News

MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland Parliament Ousts MP Abdirashid Yusuf Jibril Amid Lasanod Political Tensions
English News

Puntland Parliament Ousts MP Abdirashid Yusuf Jibril Amid Lasanod Political Tensions

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit
English News

“Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time
  • Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
  • Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
  • Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00