Dhageyso:-Afhayeenkii hore ee Jubbaland oo weerar afka ah ku qaaday Madaxda Maamulkaas

Cabdi Naasir Seeraar oo mar Maamulka Jubbaland ka soo noqday Afhayeen ayaa waxa uu xilligaan ka hadlay dhibaatooyin uu sheegay inay ka jiraan deegaanada Jubbaland,isla markaana ay masuul ka yhiin Madaxda Maamulkaas.

Waxa uu sheegay in caqabadaha koowaad ee ka jira ay tahay in tacadi iyo caburin siyaasadeed lagu haayo dadka ku nool deegaanada Maamulka Jubbaland sigaar ah Magalada Kismaayo,isla markaana ay mas’uul ka yihiin Madaxda Maamulkaas.

Isaga oo la hadlayey Idaacadda Voa-da ayuu sheegay in sharciyadii lagu dhisay Jubbaland la bur buriyey,isla markaana uu jiro tuhun ah in Baarlamaanka iyo Madaxda ay doonayaan in ay waqtiga kororsadaan maadaama aan la shaacin xilliga ay dhaceyso doorashada Madaxda Maamulka Jubbaland.

Waxa uu sidoo kale shaaciyey in xilligaan uu jiro khilaaf xooggan oo u dhaxeeya Madaxda Dowlad goboleedka Jubbaland iyo dowladda Federalka Soomaaliya,kadib markii madaxda Jubbaland ay qaadeen tallaabooyin ka dhan ah dowladda Federaalka sida uu hadalka u dhigay.

Madaxda Maamulka Jubbaland weli wax jawaab ah kama bixin hadalka ka soo baxay Afhayeenkii hore ee dowlad Goboleedka Jubbaland cabdi Naasir Seeraar.

Hoos ka Dhageyso Codka oo dhameystiran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor