• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, May 23, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(WARBIXIN) Magaalladda Marka waa Magaallo ay colaaduhu burburiyeen.

Bilan Media by Bilan Media
July 19, 2016
in Warar
Reading Time: 7 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Magaallo-madaxda Gobalka Sh/hoose ee Marka waxay tan iyo Burburkii Dowladnimo kadib noqotay magaallo wehel u noqotay colaado sokeeye iyo kuwo Siyaasadeed.

Magaalladda Marka oo deegaan Xeebeed ah ayaa waxay isku soo martay 5 Maamul, kuwaasi oo midba xilli gaar ah ka talinayey.

Hoggaamiye-kooxeedkii Yuusuf Indha-cadde, Golihii Maxkamadaha, Dowladdii uu Marxuum C/llaahi Yuusuf Madaxweynaha ka ahaa iyo Xarakadda Alshabaab oo Marka maamuli jirtey  iyo Qabaa’ilo.

Tan iyo marklii ay Dowladdii Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ka saareen Alshabaab magaalladda Marka waxaa gacan-ku-haynteeda ku dagaalamay Beelaha Habar-giri iyo Biyamaal oo ka mid ah Beelaha ku wada nool magaalladda Marka.

Waxaa la sheegaa in Maleeshiyooyinka Qabaa’illadda isku haya Marka inay gacan-saar la kala leeyihiin Alshabaab, AMISOM iyo Dowladda Federalka.

Weriye Hassan Ali Osman “Istiila” oo ka tirsan Radio Dalsan iyo Weriyayaal kale oo ka socday Warbaahinadda ayaa waxay maalintii Axadda ee la soo dhaafay booqdeen magaalladda Marka.

Wuxuuna safarkaasi ku diyaariyey Warbixintan:-

Waxaan 9:00 aroornimo ka dhoofnay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, iyadoo 30 daqiiqo kadibna waxaan  gaarnay Magaalladda Marka oo 90 KM dhanka Koonfureed ka xigta magaalladda Muqdisho.

Markii ay Diyaaradda aan la soconay dul maraysay Marka, waxaan  arkaynay Bilicda mag aalladda, waxayna Diyaaradeenna ku degtay Xeradda Milliteriga AMISOM ku leeyihiin Deegaanka Ceel Jallae oo qiyaastii 6 KM u jirta Marka.

Markii aynu gaarnay Ceel-Jaalle kuma aan arag dad badan oo Socoto ah,  laakiin, waxaan aragnay Xayawan badan oo qaarkooda cawska dooga raamsanaysay.

Abaanduulaha Qeybta 16-aad ee Hawlgalka AMISOM ka jooga Gobalka Sh/hoose, Kolonel Peter Amola oo Weriyayaasha kula hadlay Ceel-Jaalle ayaa ku sheegay sababaha ay Weriyayaasha ugu marti qaadeen Marka inay tahay sidii ay u beenin lahaayeen Wararka horey loogu sheegay inay Xarakadda Alshabaab gacanta ku hayaan magaalladda Marka.

Kolonel Peter Amola ayaa ii sheegay in goobtu tahay Aag Dagaal, waxaana Askarta joogtay Ceel Jaalle ka muuqday Feejignaan.

Saraakiisha AMISOM lama aysan kulmin Maamulka magaalladda Marka, waxaa Ceel Jaalle noogu yimid Guddoomiyihii hore ee Marka, Yariisow, kaasi oo dadkii la socday u sheegay inuu Saxaafadda la hadli Karin.

Sidoo kale, Madaxdii AMISOM, ee Magaaladda nala joogay, waxaa ay isugu yeereen odayaasha, balse wariyaasha lama aysan kulmi odayaashii ay diyaariyeen madaxda AMISOM.

Waxaan soo aadnay gudaha Marka oo uu Xilligaasi saarnaa Bandow.

Magaalladda waxaa ka muuqday Burbur xooggan, laakiin, marka aad tagto bartamaha Marka waa ka duwan  yahay, weyna haawanaysay.

Saraakiisha AMISOM lama aysan kulmin dadka ku nool Marka, waxa keliya ee aad arkayso ayaa ah Askar iyo burbur ka muuqday Saldhig la sheegay inay isaga baxeen Ciiddankii DFowladda.

Saraakiisha AMISOM waxay sheegeen inaysan ogeyn sababaha ku kailifay inay Ciiddanka faarujiyaan Saldhigaas.

Waxaa naloo sheegay inay joogi jireen Ciiddanka Dowladdaa, kuwaasi oo dhowr isbuuc ka hor sababo aan la caddayn Karin iskooda isaga soo huleeelay gudaha Marka, taasi oo u sahashay  Dagaalamayaasha Alshabaab inay  u soo daba maraan, lana wareegaan Gacan-ku-haynta magaalladda Marka.

Intii aan joognay Marka waxay Saraakiisha AMISOM sheegeen inay nala kulnsiinayaan Odaayaasha Deegaanka, laakiinse, Odayaasha wey diideen inay Suxufiyiinta la hadlaan, iska dhaaf in Sawiro laga qaado, iyagoo u arkay arrintaasi mid masiibo ku noqon karta.

Afhayeenka AMISOM oo aan kula hadalnay intaan safarka ku jirnay waxaan weydiinay Xiriirka ay AMISOM la leeyihiin Dadka Deegaanka iyo Qorshaha AMISOM ee Xilliga Doorashooyinka, wuxuuna jawaabtiisa ku soo koobay inay Ciiddanka AMISOM dadaali doonaan.

Mar aan Telefoonka kula hadlay qof aan Telefoonkiisa hayey oo ku sugan gudaha Marka, waxa uu ii sheegay in qeyb ka mid ah Marka haystaan Alshabaab, halka qeyb kale ka joogaan Ciiddanka AMISOM.

Magaalladda Marka waxaa wada jooga AMISOM, Maamulka K/Galbeed iyo Laba Qabaa’il oo dirirsan.

Xaalladda Marka waxaa laga dareemayaa inay tahay mid aad u khatar badan.

Waxaan gelinkii dambe ka soo ambabaxnay Marka, iyadoo aan dib ugu soo laabanay Garoonka Calaamiga ee Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Si kastaba ha ahaatee, magaalladda Marka ayaa u muuqata Deegaan Colaadeed oo ay dagaalladu ku soo laalaabtaan, iyadoo AMISOM iyo Alshabaab marba koox laga gacan maroojiyo Maamulka magaalladaasi Istaraatijiyadda leh.

I arrived home in Mogadishu from #Merca town, 90km south of the capital #Mogadishu #Somalia pic.twitter.com/GMwrMroldx

— Somalia Live Update (@HassanIstiila) July 19, 2016

MARKA3 MARKA4 MARKA2 MARKA1 MARKA

Cnoh9NtWIAEnl9L

WQ: Hassan Ali Osman “Istiila”.

©Radio Dalsan

Previous Post

Somali government condemns AMISOM civilian deaths calls for investigations

Next Post

AMISOM oo sheegtay inay baarayaan dadka rayidka ee lagu dilay Deegaanka War-Diinle ee duleedka Baydhabo.

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal

May 22, 2025
Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?
Warar

Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?

May 22, 2025
Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya
Warar

Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya

May 22, 2025
Kulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay Muqdisho
Warar

Kulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay Muqdisho

May 21, 2025
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Ballaarisay Adeegyada Baasaboorka ee Muqdisho
Warar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Ballaarisay Adeegyada Baasaboorka ee Muqdisho

May 20, 2025
Dagaal Culus oo Ka Socda Howdka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
Warar

Dagaal Culus oo Ka Socda Howdka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

May 20, 2025
Next Post

AMISOM oo sheegtay inay baarayaan dadka rayidka ee lagu dilay Deegaanka War-Diinle ee duleedka Baydhabo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal

by Ilhaan
May 22, 2025
0

Labada Dal Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada...

Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?

Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?

by Ilhaan
May 22, 2025
0

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee...

Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya

Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya

by Ilhaan
May 22, 2025
0

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa maanta marti gelin doonta qaar kamid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan dalka, kuwaasoo horey u...

Somalia and Turkey Strengthen Media Cooperation with High-Level Delegation Visit to Ankara

Somalia and Turkey Strengthen Media Cooperation with High-Level Delegation Visit to Ankara

by Liban
May 22, 2025
0

ANKARA – Somalia and Turkey have officially launched a new media cooperation initiative as a high-level delegation from the Federal...

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal

May 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?
Warar

Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?

May 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya
Warar

Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya

May 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Turkey Strengthen Media Cooperation with High-Level Delegation Visit to Ankara
English News

Somalia and Turkey Strengthen Media Cooperation with High-Level Delegation Visit to Ankara

May 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Al-Shabaab Hit Hard: Somali Forces Unearth Massive Arms Stash
English News

Al-Shabaab Hit Hard: Somali Forces Unearth Massive Arms Stash

May 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia’s Political Heavyweights Descend on Mogadishu as Opposition Mobilizes Against President Hassan Sheikh
English News

Somalia’s Political Heavyweights Descend on Mogadishu as Opposition Mobilizes Against President Hassan Sheikh

May 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal
  • Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?
  • Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya
  • Somalia and Turkey Strengthen Media Cooperation with High-Level Delegation Visit to Ankara

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00