Maamulka Degmada Raage Ceelle ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ka hadlay dhacdo naxdin ku aburtay dadka degaanka oo saaka ka dhacday Gobolkaasi.
Cumar Cali Nuur Guddoomiyaha degmada Raage Ceelle ayaa sheegay in Saaka salaadda subax ka dib ay koox malleyshiyo beeleed ah oo hubeysan ay soo weerareen Culimo joogay meel quraan saar ah, kadibna ay halkaasi ku dileen shan macalin halka laba kalena ay dhaawac halis ah uu soo gaaray, waxaa dhaawacii loola soo cararay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in labadii dhaawac ahayd uu mid ka mid ahi u geeriyooday dhaawaca halista ahaa ee soo gaaray taasi oo tirada guud ka dhigaysa lix ruux oo dhimasho ah.
Sabaha keenay in la laayo Culimadaan ayuu ku sheegay in ay daba joogto aanooyin Qabiil oo horay uga dhacay degaan lagu magacaabo Bog-dheer oo hoos taga Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha hoose, waxaana uu sheegay in dadka la dilay in ay kasoo barakeceen degaanka Bogdheer, ayna deganaayeen Raage Ceelle oo ah halka lagu laayay Culimada.
Waxaa uu sheegay in tiro dhowr jeer ah ay isku dayeen in ay xaliyaan dagaal beeleedyada kusoo noq-noqday degaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana intaas uu ku daray in maamulka oo kaliya uusan wax ka qaban karin dagaalada ka dhaca degaanadaasi, balse ay tahay arrin qaran oo loo baahan yahay in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ay soo fara galiyaan arrinta oo tiro dhowr jeer ah la isku dayay in xaliyo.
Warar saaka soo baxayay ayaa sheegayay in dhacdadu ay ka dhacday Degmada Cadale ee Gobolka Sahbeellaha dhexe, balse maamulka oo aan la xariirnay ayaa inoo sheegay in dhacdadu ay ka dhacday Degmada Raage Ceelle ee isla Gobolkaasi Shabeellaha Dhexe, waxaana dadka la laayay ay horay uga soo Barakeceen degaan hoostaga Cadale.