Xoghaye Mike Pompeo waxa la filayaa inuu Madaxda dalkaasi kala hadlo Hirgelinta Heshiiskii Taariikhiga ee Madaxweyne Trump iyo Hoggaamiyaha dalkaasi, Kim Jong Un ku heshiiyeen in la baabi’iyo Hubka Nukliyerka ee Waqooyiga Kuurya.
Waa socdaalkii 3-aad ee uu Mayk Pompeo ku tago caasimadda dalkaasi ee Biyoonyang. Si uu Madaxda dalkaasi kala xaajoodo sidii Gacanka Kuurya looga dhigi lahaa goob ka caagan Hubka Nukliyeerka.
Safarkiisa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Hay’addaha Sirdoonka Maraykanka sheegeen inay Waqooyiga Kuurya si qarsoodi ah u sii wataan Barnaamijkodoa Nukliyeerka.