Golaha oo hore aysan ugu jirin maamul goboleedyada ayaa isbedel lagusameeyay iyadoo la balaariyay, waxaana ka dhex muuqda guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galaya shirka Golaha ee ka socda magaalada Muqdisho.
Golahan ayaa la aaminsan yahay inuu bedelay Golihii Madasha Qaran ee muranka weyn ka dhashay awoodiisa iyo sharcinimadiisa, waxaase dadbadan soo dhoweeyeen inuu Gobolka Banaadir metelaad ku yeesho Golaha cusub.
Guddoomiyaha G/Banadir ayaa la arkayay isagoo dhinac fadhiya madaxweynayaasha maamulada dalka ee Golaha ku jira.
Maqaamka Gobolka Banaadir ayaa weli xal laga gaarin, iyadoo aanu waxmetelaad siyaasadeed ah ku lahayn Aqalka sare ee dalka.