Wararka an ka heleyno deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in gaari ay leeyihiin ciidamada Amisom uu dad ku waxyeeleeyay halkaas.
Gariga Amisom,ayaa dardaray Mooto Nooca labada Lug leh oo ay la socdeen Sadax ruux uu mid ka mid ah yahay Askari ka tiresan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Qof ka mid ah dadka deegaanka oo ku sugan halka loo yaqaano Qurac dhimbil ee Ceelasha Biyaha ayaa waxa uu sheegay in Sadaxdii ruux uu mid ka mid ah geeriyooday halka labada kale uu gaaray dhaawac culus.
Sidoo kale waxa uu sheegay in gaarigii Amisom uu Goobta ka baxsaday islmarkaana uusan istaagin.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga.