Amiirkii dalka Kuwait oo geeriyooday 

Amiirkii dalka Kuwait Shiikh Sabaax Al-Axmed Al-Jaberti ayaa goordhweyd ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalka Mareykanka, kaas oo bilihii lasoo dhaafay lagula tacaalayay xaaladiisa Caafimaad.

Telefashinka Qaranka ayaa baahiyay geerida amiirkii dowladda Kuwait, isla markaana waxaa uu geeriyooday isaga oo 90-jir ah, kaddib 14 sanno uu ahaa Amiirka Kuweyd.

Amiir Shiikh Sabaax Al-Axmed Al-Jaberti ayaa dhashay 1929, isagoo muddo 40 sano ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuwait sanadihii 1963 illaa 2003-dii, isagoo noqday Ra’iisul Wasaare.

Amiirkii Bin’aadannimada iyo Diblumaasiyaddda ayaa lagu naasaysi jiray siyaasadda Kuwait oo uu dhidibada u taagay iyo ka qayb qaadashadiisa arrimaha bin’adannimada iyo gacansiinta Carabta iyo Islaamka.

Sidoo kale Amiir Sabaax iyo Soomaalida waxa ka dhexeeyay xiriir wanaagsan, wuxuuna dalka Soomaaliya ka fuliyey mashaariic horumarineed oo badan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media