Kusimaha Duqa Muqdisho ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan ayaa ka hadlay weerarkii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu qaaday Hotelka Elite.
Guddoomiye Axmed Iimaan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dad shacab ah iyo Mas’uuliyiin ay ku geeriyoodeen weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka, isagoo tacsi u diray dadkii halkaas ku dhintay, halka ku dhaawacmay uu Alle uga baryay Caafimaad.
Waxa uu sheegay Axmed iimaan in laamaha amniga dowladda Federaalka ay soo afjareen weerarka oo qaaday muddo ku dhow 5 saacadood oo xiriir ah, isagoo u mahadceliyay Ciidankii ka qeyb qaatay howlgalka.
Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in aysan ka niyad jebin weerarada ka dhacaya Muqdisho oo ay geysanayaan Al-shabaab, isagoo ku baaqay in laga wada qeyb qaato sugida amniga.
Ugu dambeyn Axmed Xasan Iimaan ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu Gurmad kala duwan u fidin doono dadkii shacabka ahaa ee ku dhaawacmay weerarka, isla markaana ay garab istaagan yihiin Shacabkaas.
Al-shabaab ayaa warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday Hotelka Elite ee xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaas ku geeriyooday 16 qof, halka 13 kalena ay ku dhaawacmeen.