Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u Cambaareeyay weerarkii qaraxa ku bilowday ee shalay lagu qaaday Hotelka Elite ee ku yaalla xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.
Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Elite, iyagoo kuwa ku dhaawacmay Alle uga baryay inuu Caafimaad Deg-deg ah siiyo.
“Waxaan aaminsanahay in Alshabaab laga xoreyn karay dalka, laakiin nasiib darro dowladdeenna waqtigu kasii dhamaanayo wax xil ah iskama saarin, iyadoo waqtiga ugu badan geliyey abuurista qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo sidoo kale raadinta muddo kororsi aan sharci ahayn” ayuu yiri Sheekh Shariif.
“Dad qiima badan ayaan ku weynaa markasta weerrada Al-shabaab ee shabaabku ay ka geystaan dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho waxaan lee yahay dadka Soomaaliyeed ha u midoobaan sidii ay naftooda iyo tan dadkooda uga bad baadin lahaayeen cadowgaas umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Ugu yaraan 16 qof ayaa ku geeriyootay weerarkii gelinkii dambe ee shalay lagu qaaday Hotelka Elite ee xeebta Liido, waxaana ku dhaawacmay 13 qof, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad, iyadoona weerarka laga soo badbaadiyay dad ku dhow 300 oo qof.