Al-shabaab oo weerar Culus ku qaaday Saldhig Ciidan iyo Dagaal socda

Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Koonfur Galbeed iyo dagaalamayaasha Al-shabaab,.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii ay Al-shabaab weerar ku bilowday qarax Ismiidaamin ah ku qaadeen Saldhig Ciidanka Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin deegaanka Goof-gaduud buureey oo 30-km u jira Magaalada Baydhabo.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inay maqlayaan dhawaqa rasaas xoogan oo labada dhinac ay isdhaafsanayaan, isla markaana dagaalkaas uu yahay mid Culus oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in weerarka Al-shabaab ee deegaanka Goof-gaduud buureey uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, in kastoo aan la xaqiijin karin  inta uu la egyahay.

Xaalada cakiran ayaa haatan ka taagan gudaha Saldhiga Ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin deegaanka Goof-gaduud buureey ee duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media