Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed kasoo saartay Liiska Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaanada Cusub ee dowlad Goboleedka Jubbaland.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in Liiska Odayaasha dhaqanka ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka Jubbaland in uusan waafaqsaneyn diiwaanka Wasaaradda ee dhaqanka rasmiga ah ee Beelaha Jubbaland.
Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka digtay khatarta ka imaan karta soo xulista Xildhibaanada Cusub ee dowlad Goboleedka Jubbaland oo dhawaan la filayo inay ka bilaabato deegaanada Jubbaland.
Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ayaa soo saaray Liiska Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaanada Cusub ee Jubbaland,kuwaasi oo ka kooban 135 Odey.
Hoos ka Akhriso Warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.