Maamulka Dugsiga indhoolayaasha Al Nuur ayaa waxay Muqdisho ku qabteen Shir Jaraa’id oo ay uga hadleen dhismo lagu bilaabay xaruntii hore dugsiga sare ee Howlwadaag kaasi oo wasaradda waxabarashada dalka ay ugu tala gashay in loogu adeego dadka araga la` ee somaliya.
Ustaad Maxamed Axmad Maxamuud oo ka mid ah Barayaasha dugsiga indhoolayaasha alnuur ayaa faafahin ka bixiyay ujeedka shirkooda ayaa shegay inay ka cabanayan dhismo sharci daro ah oo lagu bilabay xarunta dugsiga sare ee howlwadaag oo tilmaamay in wasarada waxbarashada ee somaliya ay si kumeel gaar ah ugu wareejisay dugsiga indholayaasha ALnuur , isaga oo sidoo kale xusay inay baahiyo badan u qabaan helidda dhul loogu adeego guud ahaan bulshada araga la`.
HALKAN KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKOODA OO DHAMAYSTIRAN:
warmurtiyeed