Hadal ka soo baxay Boliska magaalladda Quebec ee dalka Kanada ayaa lagu sheegay in la xiray 2 arday oo mid asalkiisu ka soo jeedo dalka Moroko, kuwaasi oo lala xiriirinayo toogashaddii lagu dilay 6 qof oo ku tukanaysay Masjid ku yaalla magaalladda Quebec.
Dabley ayaa rasaas ku furtay dad Salaaddii Cishaha ku tukanaysay Masjidka iyo Markaz-ka Dhaqanka Islaamiga ee Quebec City Islamic Cultural Center.
Boliska ayaa sheegay in Labada qof ee loo xiray Toogashadaasi arday ka yihiin Jaamacadda Quebec’s Université Laval.
Mid ka mid ah Eedeysanayaasha waxaa lagu qabtay Masjidka, halka midka kalena laga soo qabtay meel 15 miles u jirta Masjidka toogashada ka dhacday.
Warar ayaa jira in Eedeysane kale saakayto wacay Adeegga Degdegga “ Emergency services”, una sheegay inuu jahwareer ka qaaday Dembigiisa iyo inuu dareemay inay wax xun ahayd toogashada uu geystay.
Waxa uu intaasi ku daray inuu doonayo inuu isaga is-toogto.
Sida laga soo xigtay Shabakadda Wararka ee Le Soleil, waxa uu Eedeysanahaasi oo 27-jir ah sheegay inuu isku dhiibay Boliska, una sheegay inuu haysto ugu yaraan hal qori nooca AK 47 oo uu geliyey Kursiga dambe ee gaarigiisa.
Baarayaasha Boliska waxay kaloo hawlgal ka sameeyey labo cinwaan ee guryo ku yaalla magaalladda Quebec.
Dadka lagu dilay Toogashadda ka dhacday Masjidka ayaa la sheegay inay u dhexeyso 35 jir ilaa 70 jir, waxaana weerarkaasi ka badbaaday ku-dhawaad 40 qof.
Dabaqa Hoose ee Masjidka waxaa ku tukanayey ragga, halka Dabaqa Sare ay ku tukanayeen Haweenka iyo carruurta.
Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Kanada, Justin Trudeau waxa uu Toogashadaasi ku sifeeyey Weerar Argagixiso oo lagu soo qaaday Muslimiinta.
©Radio Dalsan