Sarkaalka Guud ee Milliteriga Kenya ee Taliska Bari, Sarreeye Gaas Benjamin Biwott iyo Taliyaha Qeybta 2-aad ee Ciiddanka AMISOM, Sarreeye-guute William Shume ayaa booqday Ciiddanka Kenya ee xeradda ku leh Deegaanka Kulbiyow oo 18-KM u jirta xuduudka Kenya.
Afhayeenka Ciiddanka Kenya, Kolonel Paul Njuguna ayaa sheegay in la xoojiyey qalabka wax-ku-oolka ee Ciiddanka iyo sidii looga hortegi lahaa weeraro kale oo ay Alshabaab ku soo qaadaan Kul-biyow.
Inta badan ciiddanka Kenya ee ku sugnaa Xeradaasi ayaa la sheegay inay yihiin kuwo Xeradda ku sugan Xeradaasi wax ka yar hal bil.
Weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab jimcihii hore ku qaadeen Saldhiga Ciiddanka Kenya ee Deegaanka Kul-biyow waxaa lagu dilay 68-Askar Kenyan.
©Radio Dalsan