Hillary Rodham Clinton oo mar soo noqotay Marwadii 1-aad ee hore ee Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Bill Clinton ,Xoghayihii Arrimaha dibedda ee dalkaasi iyo murashax Madaxweyne ayaa sheegtay inuu geeriyooday walaalkeeda ka yaraa oo la oran jirey Tony Rodham.
Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey ku sheegtay inuu walaalkeeda geeriyooday habeen hore, balse, lama shaacinin waxa sababay dhimashadiisa.
Twitterkeeda waxay ku sheegtay inay ku adag thaay inay hesho erayo ay ku hadasho, iyadoo uu qalbigeeda buuxiyey xusuusta walaalkeeda.
Tony Rodham oo 65 jir ahaa waxa uu ka tegay xaas iyo 3 carruur ah, waxa uu soo qabtay hawlo badan, waxa uu soo dhigtay Kolejka Wesleyan iyo Jamaacadda The University of Arkansas, balse marnaba kama qalin jebinin.
Waxa uu so oqabtay shaqooyin kala duwan, waxa uu soo noqday Ilaaliye Xabsi, Iibiye Caymiska, Maalgashi Ganacsi iyo bare khaas ahaa.
Tony Rodham waxa uu la soo shaqeeya Guddiga Qarnka Dimuqradaiga muddadii Doorashadii Madaxtinimadda Maraykanka ee sannadkii 1992-kii, wuxuuna markii noqday La-taliye sannadihii 1990-aadkii,
Hillary Rodham walaalkeeda waxaa so owajahay dhowr su’aalood oo ku aadan Xiriirka uu la lahee Aqalka Cda iyo Isku-daygiisii Awoodeed ee u dhawaanshihiisa Madaxweyne Bill Clinton ee Mashaariicda Ganacsiga iyo Nolosha Shaqsiyadeed.
Kdaib, markii Bill Clinton loo doortay Madaxweynaha dalkaasi, waxa uu Tony Rodham ka shaqeynayey oo uu ahaa Abaabulka goobta ee Guddiga Qaranka ee Dimuqraadiga, xitaa markii uu guursaday Nikole Bokser oo ay dhashay Senator Barbar Bokser, taasi oo ay wax yar kadib is-fureen.