Dhacdo Horornimo leh ayaa ka dhacday Xarunta lagu xannaaneeyo Duur-joogta ee Ningbo Younger Zoo ee Xeebta Bari ee dalka Shiinaha.
Dalxiise awoodi kari waayey inuu iska bixiyo Kharajka lagu galo Xaruntaasi ayaa isku tijaabiyey inuu ku socdo Xayndaabka Birta ee ay Shabeelka ku jireen, si uu uga sii gudbo gudaha Xaruntaasi.
Xaaskiisa iyo cunugiisa ayuu ka bixiyey Kharjka gelitanka Xaruntaasi oo dhamaa 130 Yuan ee Lacagta Shiinha una dhignta 15 Geniga Britin.
Markii uu ku yra socday Xayndaabkii birta ayuu go’aansaday inuu dib isaga soo laabto, maadaama Xayndaabku ahaa 3 qeyb oo la isaga gudbi karin, iyadoo Xayndaabka dhererkiisu ahaa 3 mitir oo lagu xiray Fiilooyin dab (koronto) leh.
Dalxiisahaasi oo magaciisa lagu soo koobay Zhang markii uu isa labo rogay ayuu si kedis ah uga lalmaday Xayndabkii, waxaana mar qura ku soo boody 3 Shabeel oo halkaasi ku xereysna.
Waxay bilaabeen inay hilibkiis feentaan, iyadoo ay qoyskiisa daawanayeen.
Ilaaladda Xaruntaasi ayaa toogtay mid ka mid ah Shabeelka cunayey ninkaasi, waxay kaloo adeegsadeen inay rasaas bqdin gelin ah hawada u ridaan iyo inay adeegsdaan Dhuumaha biyaha xooggan lagu tuuro.
Ugu dambeyntii, waxay Ciiddanka ku guuleysteen inay gudaha u galaan Xayndaabka oo ay soo qaadaan Dalxiisihii oo aad loo hilbo goostay, dhaawac khatar ahna soo gaaray.
Dalxiisaha waxaa loola cararay Isbitaal ku yaalla Gobalka Zhejiang ee Bariga Shiinaha, waxayna Dhakhaatiirta sheegeen inuu geeriyooday.
Ilaaladda Xeradda Duur-joogta waxay sheegeen inuu Dalxiisaha ku dhacay Xayndaabka, xilli ay quudinayeen saddexda Shabeel.
Goobjoogayaal argagaxsan ayaa u sheegay Wargeyska The Beijing News inuu Dalxiisaha geeriyooday uu ka tegay Xaas iyo ilmo yar.
Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska
©Radio Dalsan