Laamaha ammaanka oo sheegay in ay soo  qabteen xubin ka tirsan Al-shabaab

Laaamaha ammaanka Degmada Dayniile ayaa howla gallo ay sameeyeen waxaa ay sheegeen in ay gacanta kusoo dhigeen kamid ah Al-shabaab, oo ay sheegeen in uu waday fal ammaanka lid ku ah oo uu doonayay in uu degmadaas ka fuliyo.

Waxaa ay sheegeen Laamaha ammaanka degmada in ay soo qabteen Maxamed Xassan Cali, oo sida ay sheegeen doonayay in uu Hoobiyaal ku tuuro degmada Dayniile ee Gobolkani Banaadir.

Laamaha ammaanka ayaa waxaa ay intaas ku dareen in ay ku raad joogaan xubno kale oo la shaqeynayay Maxamed Xassan Cali oo sida ay sheegen qayb ka ahaa falalka ammaanka liddiga ku ah ee degmadas ka dhaca.

Al-shabaab ayaa degmooyinka Gobolkani Banaadir waxaa ay ka gaystaan dilal qorsheysan iyo weeraro toos ah, waxaana mararka qaar ay Hoobiyaal ku garaacaan xaruumo muhiim u ah dowladda, iyadoo khasaare kala duwan uu ka dhashay falalka ammaanka liddiga ku ah ee ay ka fuliyaan gudaha Magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media