Booliska Galmudug oo gacanta kusoo dhigay Khamri  farabadan

Laamaha ammaanka Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay waxyaabaah maanka dooriya oo lasoo galiyay degaanno ka tirsan Maamul Goboleedka Galmudug.

Howlgallo ballaaran oo ay sameeyeen Ciidanka Booliska Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay soo qabteen waxyaabaha Maanka dooriya oo sida la sheegay si qarsoodi ah lagu soo galiyay Magaaladaas, waxana goob fagaare ah lagu bur-buriyay waxyaabihii ay soo qabteen Ciidanka Booliska.

Wasiirka Amniga  Axmed Macalin Fiqi ayaa  kala qeyb galay  Ciidamada Booliska Gobolka Mudug Maamulka iyo Kan degmada Gaalkacyo Burburinta iyo gubitaanka Qamri iyo Xashiish Yara badan oo Ciimada Amaanku kusoo qabteen Howlgalo Muddooyinkii Dambe ka socday magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu la dagaalamayay Maandooriyaha iyo Kooxaha ka ganacsada.

Waxaa ay sheegeen Ciidanka Booliska in soo qabashada waxyaabahaan Maandooriyaha ah ay ka gacan siiyeen dadka deganka oo ka war helay in Magaalada lasoo galiyay Maandooriye kaal duwan oo isugu jira Qamri iyo Xashiish.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media