Dalka Meksiko waxa uu hayinka u hayaa Carruurta cayilan iyo kuwa qaba Cuddurka Sonkorta ee Dalalka Calaamka
Waxaana maalmahan aad loo hadal-hayaa Wiil 10-bil jir ah, kaasi oo ka culays badan Carruurta kale ee la da’da ah.
Wiilkaasi oo lagu magacaabo Luis Manuel Gonzales waxaa la sheegay inay ku adag tahay inuu socdo ama uu istaago.
Waxa uu la daalla-dhacayaa Burnaansho iyo Culay, iyadoo uu miisaankiisu yahay 28 Kg.
Luis Manuel Gonzales waxaa laga yaabaa inuu u baahan yahay Qaliin lagu yareeyo Barruurta culayska dheeraadka u keentay.
Aabihiisa oo lagu magacaabo Mario Gonzales.oo ka shaqeeya Wershad lagu farsameeyo Sharaabka Casiirka ah ma awoodo inuu iska bixiyo Kharajka lagu daawynayo Wiilkiisa, wuxuuna Aabaha mushaar ahaan u qaataa 200-Dollar bishiiba.
Dhakhaatiirta waxay weli garan la’ yihiin waxa sababay inuu Wiilkaasi aad u ballaarto.
Markii uu dhashay Luis Manuel Gonzales waxa uu culayskiisu dhamaa 3.5 Kiilogaram, isagoo la miisaan ahaa Walaalkiisa kale ee Mario, oo haaran 3 sdanno jir ah.
Markii uu jiray 2 bilood waxa uu culayska Luis Manuel Gonzales ahaa 10-Kiilo.
8 niloo kadib, waxa uu noqday 18-Kiilo.
Hooyadiisa oo lagu magacaabo Isabel Pantoja waxay sheegtay inay u malaynayso inuu wiilkeeda ku cayilay caanaha naaskeeda.
“Waxaan u malaynayaa inay taasi ugu wacan tahay caanaha wanaagsan ee naaskayga†ayey tiri Hooyadaasi oo 21-jir ah oo Saxaafadda kula hadashay guriga ay ku nool yihiin oo ku yaalla DegmaddaTecoman oo ku taalla Gobalka Colima  ee kaabiga ku haya Xeeta Badda Baasifik.
Waalidka Luis Manuel Gonzales waxay samaysteen Bog Facebook iyo Xisaab-lacageedka Bangi ( A bank account) si taageero Lacageed loogu soo shubo Wiilkooda cayil-dhaafka noqday.
Hooyadiisa waxay naaska siisaa iyadoo xambaarsan ama dhinac u jiifta, waxayna u adkeysataa culayska Wiilkeeda oo aysan tahli Karin inay muddo kor u xambaarsanaanto.
Warkan oo aan ka soo xiganay Wakaalladda Wararka ee AFP waxaa kaloo lagu sheegay inay Waalidkiisa sas iyo naxdin ka qaadeen, markii uu Dhakhatar ku takhasusay Carruurta ( A Pediatrician) u sheegay iyaga inuu Wiilkooda u baahan yahay Cirbadda nooca (Hormone injections). Iyadoo qiimaha halkii Cirbad gaarayso qiimo dhan yahay 555 Dollar ($555 ).
Wiilka yar ee Luis Manuel Gonzales waxaa la sheegay in lagu sameeyey Baaritaano badan, mana jiro qof si dhab ah u taqaana waxa ka qaldan Xaalladda Caafimaadka ee Wiilkaas yar..
Xigasho: AFP