Wasaaradda Caafimaadka oo ka hadashay kiisaska COVID-19 ee dalka

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay dad hor leh Maanta oo talaabo laga helay Cudurka halista ah ee COVID-19, kuwaasi oo baaritaano kala duwan lagu sameeyay.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in saacadihii lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 904, isla markaana laga helay 70 dadkas.

Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay in Cudurka ay 24-saac ee ugu dambeeyay ay Somaliland ugu geeriyoodeen 7 qof, halka Magaalada Muqdisho uu ugu dhintay hal qof, kuwaasi oo kamid ahaa dad uu horey ugu dhacay xanuunka.

Warbixinta ay soo saaray Wasaaradda ayaa u qorneyd:

Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 904

o Laga Helay: 70

o Somaliland: 39

o Puntland: 17

o Jubbaland: 7

o Banadir: 5

o Konfurgalbeed: 2

o Lab: 47

o Dhedig: 23

o Dhimasho: 8 (Somliland:7, Banadir:1)

o Bogsashada: 41

Tirada Guud ee Laga Helay: 11,978

Bogsashada Guud: 5,058

Dhimashada Guud: 576

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor