Gelinkii dambe ee Maanta ayaa Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda waxaa ka da’ay Roob Xoogan oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada.
Roobka ayaa biyo badan dhigay qaar kamid ah Waddooyinka waaweyn ee ku yaalla Muqdisho, kuwaasi oo xirmay, isla markaana ay ku adeg tahay inay maraan gaadiidka kala duwan.
Sidoo kale Roobka ayaa intii uu socday waxaa soo dumay Guri ku yaallay waaxda Yuusuf Alkowneen ee degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay Khasaaro.
Waaxda gurmadka deg-dega ah ee dowladda Hoose Xamar ayaa gaaray goobta uu ku yaallay Guriga soo dumay, isla markaana kasoo saaray laba ruux oo dhaawac uu soo gaaray, kuwaasi oo deganaa dhismaha.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa goobjoog ka ahaa xiliga lagu mashquulsanaa badbaadinta dadka danta yar ee uu dhismaha kusoo dumay.
Dhinaca kale Roobabka ayaa saameyn adag ku yeeshay Barakacayaasha ku nool Magaalada Muqdisho, kuwaas oo aan heysan hoy wanaagsan oo ay dhibicda roobka ka galaan.
Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka jiray kuleyl daran, hayeeshee Jawiga Muqdisho ayaa Caawa ah mid qabow.