Diyaaradaha Dagaalka iyo kuwa Droneska ee Maraykanka oo gaaf-wareegayo Hawada Sare ee Somalia iyo Kenya

Iyadoo lagu wado in Madaxweynaha Maraykanka fiidnimadda Jimcaha booqasho labo maalmood ah ku tago caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa waxaa aad loo adkeeyey ammaanka cirka, dhulka iyo badda ee dalka Kenya.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegayo inay Milliteriga Maraykanka ilaalo xooggan ku hayaan Hawada Sare ee Somalia iyo deegaannadda ku teedsan Xuduudka Somalia la wadaagto Kenya.

Saldhigga Milliteriga Maraykanka ee Camp Lemonnier ee ku yaalla dalka Djibouti ayaana loo xil-saaray La-socodka Hawada Somalia, waxayna Diyaaradaha Wax Basaasa iyo kuwa Droneska gaaf-wareegayaan Hawada Somalia.

Diyaaradahaasi waxay kaloo taageero Loojistiko oo dhinaca Cirka ah siinayaan Ciiddanka AMISOM ee Hawlgalka dagaalka kula jira Dagaalamayaasha Alshabaab ee ku sugan K/galbeed Somalia.

 © Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor