Ra’iisul Wasaarihii hore e Soomaaliya marna soo noqay Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu ka hadlay xayiraadii shalay dowladda Soomaaliya saartay Madaxweyneyaashii hore ee dalka, xili ay kusii jeedeen Magaalada Baladweyne.
Cabdiweli Gaas oo la hadlay VOA-da ayaa waxaa uu sheegay inuu aad uga xun yahay wixii shalay ku dhacay Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, wuxuuna sheegay in arrintaas ay nasiib darro tahay, isla markaana labada Madaxweyne ee hore ay mudan yihiin karaamo iyo in la sharfo.
Sidoo kale Gaas ayaa waxaa uu tilmaamay in Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif dalka Soomaaliya ay u soo shaqeeyeen waqtig adeg, isla markaana dowladda looga baahan yahay inay wax ka bedesho hab dhaqankeeda siyaasadeed.
Isaga oo sii hadlaayay Ra’iisul Wasaarihii hore e Soomaaliya marna soo noqay Madaxweynaha Puntland ayuu Madaxda dowladda kula taliyay dalka hadii shido ka jirto looga baahan yahay in la yareeyo hadii ay yartahayna la baabi’iyo.
“Sideedaba haddii aniga siyaasadda wax un ka bartay Soomaaliya, waxa weeye wadanka haddii ay shido jirto, shidada jirto waa la yeeraa, haddii ay badan tahay waa la yareeyaa, haddii ay yar tahay waa la baaba’iyaa, laakiin maalin walba shido cusub la abuuro oo aan horay u jirin oo gacmahaga ku falkisaa adiga ayay dib kugu soo laabaneysaa dhib ayay keeneysaa dalka u keeneysaa, maamulkaagana u keeneysaa”ayuu yiri C/weli Gaas.